U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Nairobi Kula Qaatay Dhiggiisa Kenya William Ruto

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa William Ruto, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika oo ay ka jirto xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhowaan soo baxday.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan wadagalay heshiisyo dhaxalgal ah kadib markii Nairobi uu tagay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, heshiisyadaan ayaa ku qotoma sidii kor loogu qaadi lahaa xiiirka ka dhaxeeya labada dal ee amniga iyo dhaqaalaha.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah sidoo kale dowladaha ciidanka nabad ilaalinta ugu deeqay Soomaaliya si ay uga qeyb qaadaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, ciidankaas ayaa ku sugan deegaanno kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ka howlgalaan marka la eego.