U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland oo Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Gobolka Nugaal

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada dowlad gobolleedka Puntland ayaa ku geeriyootay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay deegaanka xaaji kheyr oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali Maxamuud ayaa ku naf waayay shil shil baabuur oo habeenimadii xalay ka dhacay deegaankaas, halka xubin kale oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Saalax Cali oo dhaawac ka soo gaaray.

War qoraal ah oo ay madaxtooyada Puntland soo saartay ayaa loogu tacsiyeeyay ehelada mudanaha dhintay, sidoo kalena bogsasho loogu duceeyay midka dhaawacmay.

Illaa hadda ma cadda sababta shil keentay, balse deegaanada Puntland, gaar ahaan gobolada Bari iyo Nugaal ayaa kamida meelaha ay shilalku sida is daba joogga ah uga dhacaan, ayadoo ay masuuliyiin iyo shacab badani halkaa ku geeriyoodeen.