U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa Shirka Biyaha Dunida oo Ka Furmaya Indonesia

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Iyo Kheeyraadka Biyaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya Madasha10-aad ee Biyaha dunida.

Madashan ayaa lagu qabanayaa Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indunuusiya, halkaasoo ay suganyihiin masuuliyiin ka kala socda dalalka caalamka oo lagu casuumay shirka.

Madasha ayaa sanadkan looga doodi doona caqabadaha Guud ee Biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha ee baahida dadka, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan, iyo hir-gelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).

Inta shirku socdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda tamarta iyo khaliaafadka biyaha XFS ayaa madasha ka jeedin doona warbxin ku saabsan hormarinta biyaha Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu kulan doceedyo la yeelan doonaa Wafuudda sare ee ka socda wadamada cilaaqaatka biyuhu Soomaaliya kala dhexeeyo iyo Hey’addaha Hormarinta biyaha ka shaqeeya.