U bood dhigaalka

Madaxweynihii Iran iyo Wafdigii La socday oo La xaqiijiyay in ay Dhinteen

Sheeko:War

Madaxweyne Raisi iyo wasiirka arrimaha dibadda Amirabdollahian oo ay weheliyaan dad kale oo la socday diyaaradda helicopter-ka ayaa dhintay, sida ay xaqiijiyeen qaar badan oo ka mid ah wakaaladaha wararka Iran.

Warbaahinta Iran iyo kuwa caalamiga ah ayaa wadaagay sawirada goobta shilku ka dhacay, kuwaas oo muujinaya diyaaradii Helicopter-ka ee Raisi oo googo’ay oo dhinac taal meel buur ah.


Wali ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan in Raisi uu dhintay, laakiin dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in aysan wax nool ka helin goobta shilku ka dhacay.


“Marka aynu eegno burburka diyaaradda helicopter-ka, fursadaha qof kasta uu ku badbaado shilkan oo kale waa mid aad u yar. Waxaan aragnaa in dhammaan qolkii diyaaradda helikobtarka uu gebi ahaanba gubtay” waxaa sidaasi yiri Sarkaal sare oo ka tirsan ilaalada Kacaanka Iran


Mas’uuliyiinta Iran ayaa sidoo kale sheegay in meydadka qaar ay gubteen oo aan la aqoonsan karin, isla markaana ay garan waayeen cidda goobtaasi ku sugan.