U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Taariikhda Madaxweyneyaashii Ku Dhintay Shilalka Diyaaraha

Waxaa dalka Iiraan iyo guud ahaan dunida ka taagan murugo iyo naxdin ka dhashay dhimashada madaxweynihii dalka Iiraan Ebrahim Raisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda oo la xaqiijiyay inay shil diyaaradeed oo ka dhacay bariga dalkaas ku geeriyoodeen

Haddaba warbixintan waxaan dib ugu milicsan doonnaa qaar kamida hoggaamiyeyaashii dunida oo sidan oo kale shilalka diyaaradeed ugu naf waayay, waxaana ka mid ahaa:

7-dii Sebtembar Sanadkii 1940-kii waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo atlos ku geeriyooday madaxweynihii dalka Paraguay José Félix Estigarribia, waxaana la burburtay diyaarad nooca poteze 25 ah.

17-kii March sanadkii 1957-kii madaxweynihii dalka Philippine Ramon Magsaysay ayaa ku geeriyootay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Balamban.

16-kii juun sanadkii 1958-dii madaxweynihii Brazil, Nereu Ramos ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay São José dos Pinhais.

13-kii Abriil 1966-dii Abdul Salam Arif oo ahaa madaxweynihii dalka Ciraaq ayaa ku naf waayay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Baqdaad.

18-kii bishii July Sanadkii 1967-dii madaxweynihii Brazil (humbeerto de alenkaar kasteello baraanko) Humberto de Alencar Castelo Branco ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Fortaleza ee dalkaas.

27-kii April 1969-kii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ku burburay halka lagu magacaabo Arque ayaa sababtay dhimashada madaxweynihii dalka Bolivia René Barrientos.

27-kii bishii January 1979-kii hoggaamiyihii militariga ee dalka murutaaniya hoggaamin jiray Axmed owl boosheef ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada dakaar ee caasimadda dalka sinagaal.

24-kii may sanadkii 1981-dii waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Huairapungo dhintay madaxweynihii dalka Ecuador,Jaime Roldós.

31-kii juulay sanadkii 1981-dii waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada penonome ku naf waayay hoggaamiyihii militariga dalka panama Omar Torrijos.

19-kii bishii October sanadkii 1986-dii waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka koofur Afrika ku dhintay madaxweynihii dalka Mozambique Samora Machel.

17-kii Agoosto sanadkii 1988-dii waxaa qaaradda Aasiya iyo guud ahaan adduunka tiiraanyo ku abuurtay geerida Madaxweynihii dalka Pakistan Muhammad Zia-ul-Haq, kaasoo ku dhintay diyaarad nooca lockhead 130 ah oo kula burburtay deegaanka Bahawalpur.

6-dii April 1994 waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Kigali ku geeriyooday madaxweyneyaashii dalalka Rwanda iyo Burundi Juvénal Habyarimana, iyo Cyprien Ntaryamira.

29-kii oktoobar sanadkii 2006 waxaa shil diyaaradeed oo dhacay magaalada abuuja ee dalka nigeria ku geeriyooday madaxweynihii saldanadda sokoto Muhammadu Maccido.

6-dii bishii Febraayo ee sanadkan waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada lake ranco ku dhintay madaxweynihii hore ee dalka Chile Sebastián Piñera.

19-kii bishan mayna waxaa shil diyaaradeed oo ka dhacay bariga iiraan ku geeriyooday madaxweynihii dalkaas Ebrahim Raisi iyo wasirrkiisii arrimaha dibadda Hossein Amir abdollahian.