U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir oo Xabsiga Dhigay Dhallinyaro Dibax Rabshado Watay Ka Sameeyay Degmada Daaru-salaam

Sheeko:War

Booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Dhalinyaro gaaraysa 15 kuwaas oo debadbaxo rabshado wata ka sameeyay Degmada Daarusalaam ee Gobolkaan Banaadir, Dadkaan ayaa la wariyay in la horgeyn doono Maxkamadaha Awoodda uleh si ay Caddaaladda u maraan.

Howl-gal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Qeyta Guud ee gobolka Banaadir,gaar ahaan Rugta Boliiska Dagamada Daarusalaam,waxayna ku soo qabteen 15 ruux oo iskugu jira Rag iyo Dumar ku Edeysan in ay Dagmada Daarusalaan
ku qabteen isku soo bax fowda ah oo sababay Qasaare kala duwan.

Sidoo kale booliska waxay shacabka ku nool caasimada iyo hareeraheeda uga digeen in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soo baxyada sababi kara falala ammaanka lidiga ku ah.

Laba maalin ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa loo xiray dhalinyaro badan oo lagu sheegay in dhaqan xumo ay ka wadeen Aaladda Tiktook,kuwaas oo aan Maxkamad weli la soo taagin.