U bood dhigaalka

Shirkadda Singapore Airlines oo Gashay Shil Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah Sababay

Sheeko:War

Hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Singapore Airlines oo ka duushay London kuna socotay Singapore, ka dib markii ay la kulantay rabshado ba’an oo jawigu keenay sida ay sheegeen maamulka diyaaraddu.

Diyaaradda Boeing 777-300ER ayaa loo weeciyay garoonka magaalada Bangkok, halkaasoo ay ku degtay ka dib markii ay qalqal gashay, ayadoo ay saameyn culusi ka soo gaartay rabshado dhanka cimilada ah.

Duulimaadka SQ321 ee diyaaradda Singapore Airlines ayaa ku wajahnaa magaalada Singapore ka hor intaanay la kulmin rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Bayaan ay soo saartay shirkaddu ayay ku tiri”Waxaan xaqiijin karnaa inay jiraan dhaawacyo iyo hal dhimasho ah oo saarnaa diyaaradda Boeing 777-300ER, Waxaana saarnaa 211 rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.” “

Diyaaradda Singapore ma aysan sheegin tirada dadka ku dhaawacantay, balse warar badan oo ka soo baxay warbaahinta Thailand ayaa sheegay in 30 qof ay ku dhaawacmeen.