U bood dhigaalka

Taliyaha Hey’adda NISA oo Magacaabis Sameeyay, Xiilli Xilka Laga Qaaday Saraakiil

Sheeko:War

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Agaasimaha Guud NISA ayaa maanta sameeyay magacaabiddii u horreeyay. Waxaa uu xilka ka qaaday qaar ka mid ah Saraakiisha laamaha NISA.

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir loo magacaabay C/fataax Shaaweeye. Waxaa xilkaan laga qaaday Muxyaddiin Warbac.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay C/qaadir Xaayow. Waxaa xillaan laga qaaday Xamdi Xarawo oo muddo ka mid aheyd Saraakiisha laamaha NISA.

Muxiyaddiin Warbac oo labadii sano ee la soo dhaafay ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA.

Isbedelladaan ayaa lagu sheegay in ay tahay kuwo lagu dardargalinaayo howlaha Amniga ee ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.