U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Mascuud Garweyne oo Dhowaan u Gafay Garsoorka Dalka

Sheeko:War

Ciidanka booliiska gobolka banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmadda waabari ayaa soo xiray eedeysane mascuud cabdullaahi afrax(garweyne).

Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay garsoorka dalka waxba kama jiraana kutilmaamay xukunno kasoo baxay maxkamaddaha dalka maalmihii lasoo dhaafay.


Taliska ciidanka Booliksa Soomaaliyeed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeen doono Sharciga ninkaan odayga ah.

“ciidanka boliiska soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan been abuurka hay’addaha cadaalada dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidanka booliska.


Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay xiray dad badan oo ay ku eedeeyeen kicin bulsho iyo hanjabaado ka dhan ah nidaamka dowliga ah ee dalka.