U bood dhigaalka

Dab Xooggan oo Aafeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addis Ababa

Sheeko:War

Guddiga dab damiska iyo ka hortagga masiibooyinka ee magaalada Addis ababa ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba la xakameeyay dab ka kacay agagaarka garoonka diyaaradaha Bole.

Ngatu Mamo oo ah khabiirka xiriirka dadweynaha ee guddiga, gaar ahaan ayaa sheegay in dabka ay si buuxda gacanta ugu hayaan xirfadlayaasha guddiga, dab-damiska diyaaradaha iyo ciidamada kale ee ammaanku.

Mr. Nigatu ayaa xaqiijiyay in wararka sheegaya in dabka uu ka kacay garoonka ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, wuxuuna tilmaamay in shilkaasi uu geystay khasaare kooban oo soo gaaray mid ka mid ah gaadiidka dab damiska.

Khabiirka ayaa sheegay in sababta keentay dabkan ay bulshada u soo bandhigi doonaan marka ay soo dhamaato howsha baaritaanku.