U bood dhigaalka

Spain, Norway, iyo Ireland oo Sirasmi ah Maanta u Aqoonsaday Dowladnimada Fastiin

Dalalka Spain, Norway, iyo Ireland ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin, ayagoo caalamka intiisa kale ugu baaqay inay tillaabo taas lamida qaadaan, arrintaan ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid siweyn loo hadalhayay.

Ra’iisul wasaaraha Norway jonas Gahr Støre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Espen Barth Ede ayaa shir jaraa’id oo ay sida wasajir ah ugu qabteen magaalada Oslo uga dhawaaqay inay si buuxda u aqoonsadeen dowlad madax-bannaan oo ay Falastiin leedahay, ayagoo tillaabadaas ku tilmaamay mid sharciga caalamiga ah waafaqsan.

bayaanka ay soo saartay Norway ayay sheegtay in uu dhaqan-geli doono 28-ka May, iyadoo xustay in tiro ka mid ah dalalka kale er Yurubna ay qorshaynayaan in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Dowladda Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa asna ku dhawaaqay in dalkiisu aqoonsanyahay Dawladda Falastiin,iyadoo tilmaamay inay Ireland, Norway iyo Spain isku mar ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen Dawladda Falastiin.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”waa maalin taariikhi ah oo muhiim u ah Ireland iyo Falastiin”.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa ku dhawaaqay in Spain ay aqoonsan doonto Dawladda Falastiin laga bilaabo May 28, Wuxuu u sheegay wakiilada Spain Talaadada soo socota oo May 28 ah ay ansixin doonaan aqoonsiga dawladda Falastiin.

Go’aanka ayaa Falastiin uga dhigan guul taarriikhi ah, waxaana la filayaa inay dalalka kale ee dunida qaarkood tillaabo taas lamida qaadaan todobaadyada soo socda.