U bood dhigaalka

Wabiga Shabeelle oo Fatahaad Hor Leh Ka Sameeyay Baladweyne iyo Cabsi Laga Qabo Saameyntiisa

Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka da’ayay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Shacabkii deganaa xaafadaha Wabiga shabeelle uu ku fatahay ayaa saaka ka barakacay, iyagoona deegaansaday dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda, gaar ahaan deegaanka Ceeljaale, halkaas oo ay deganayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab dabeylo iyo daad wato oo dalka ka di’ikara.

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka cimillada aya dhowaan shaaca ka qaday digniino laga qabo xilli Gu’ga oo soo laba lixaadsan karo, inta lagu jiro bisha May, waxaana bulshada loogu baqay in ay ka fogaadaan biyo mareenna.