U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga oo Warqada Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalkaas, xill soo dhoweyn loogu sameeyay madaxtooyada Ankara.

Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara ayuu madaxweyne Erdogan waraaqada aqoonsiga uga guddoomay danjire Fatxu-diin Cali Maxamed oo ah safiirka cusub ee ay Soomaaliya dhowaan u magacowday inuu dalkaas u fadhiyo.

Danjiraha ayaa madaxweynaha la wadaagay dhambaal uu uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud, waxaana kulanka looga hadlay xariirka qotada dheer iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska dowladnimada, iyo tababarka iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida.