U bood dhigaalka

Booliska Gobolka Banaadir oo Xiray Askari Ku Eedeysan Kicin Bulsho

Sheeko:War

Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib), arrintaan hore loogu qabtay shakhsiyaad dhowr ah.

Eedeysanaha oo ah askari katirsan Ciidanka Qarabka sida ka dhiga ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed.

Taliska booliska gobolka Benaadir ayaa sidoo kale ku eedeeyay askarigaan ku lug lahaasho kicin bulsho, wxaana la horgeydoonaa Maxkamadda Ciidamada ee ku shaqada leh Howlahaan.

Ninkaan ayaa dhawaan kasoo muuqaal ka dib dhul ku yaalla Muqdisho oo Maxkamadda gobolka Benaadir ay u kala xukmisay labadii qof ee isku heystay.

Waxaa uu diiday xukunka wuxuna sheegay in ay dagaallami doonaan haddii uu goobta yimaado qofkii loo xukmiyay.

Booliiska gobalka Banaadir ayaa xiray dad badan maalmihii lasoo dhaafay oo ay ku eedeeyen kicin bulsho.