U bood dhigaalka

Madaxweynaha Mareykanka oo dalalka bariga Afrika ka dalbaday in ciidamo ay u diraan Haiti

Sheeko:War

Madaxweyne Biden ayaa soo jeediyay Khamiistii in go’aanka ah in Kenya ay hogaamiso howlgalka ammaanka ee Haiti, iyada oo aysan jirin ciidamo ka socda Mareykanka oo ku sugan gudaha Haiti, si ay uga qeybqaataan nabad kusoo dabaalidda dalkaasi.

Mr. Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku biirin doono lacag, taageerada dhanka saadka iyo qalabaynta, iyadoo Kenya iyo dalal kale ay isku dayayaan inay joojiyaan rabshadaha kooxaha gaangiska ah ee halkaas ka qarxay ka dib dilkii madaxweynihii dalkaas ee 2021.


Waxaa uu sheegay in ay maalgalin doonaan ciidamo ka socda dalalka bariga Afrika in ay ka howlgallaan dalkaasi si loogu soo celiyo xasilooni buuxda.


Mr. Biden waxaa uu sheegay in uu Kenya u magacaabi doono “saaxiib weyn oo aan NATO ka tirsanayn,” tallaabadaas oo ka tarjumaysa go’aanka madaxweynaha ee ah in uu sii qoto dheereeyo xiriirka uu la leeyahay waddanka Bariga Afrika.

Dhanka kale Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa ‘heshiis is-afgarad difaac ah’ kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Afrika Molly Fee, waxaana uu sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Ducaale ayaa sheegay in Mareykanka uu kala shaqeyn doono dagaalka Kooxda Shabaab ee ka howlgasha Soomaaliya iyo meelo ka mid ah dalka Kenya,

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu ‘daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maalgelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.’