U bood dhigaalka

Duleedka Muqdisho oo Laga Hirgeliyay Deegaan Lamoodka Saxarihii Abu Dhabi

Waxaa dharaarihii la soo dhaafay baraha bulshada dhex wareegayay sawirro iyo muuqaallo hadal-heyn dhaliyay oo qofkii dheegtaahi uu moodayo lama degaanka ay dalxiisayaashu ku damaashaadaan ee Abuu dhabi, ama saxaraha erg chigaga ee dalka marooko.

Goobtan oo ah bacaadka isku cufan iyo carro-tuur midabkiisu yahay casaan dhaayaha soo jiidanaya ayay dad badani rumeysan waayeen inay Soomaaliya ku taallo oo weli duleedka Muqdisho tahay.

Waa run oo ma aha meel hadda la unkay ama aan horay loo arki jirin, balse hal-abuurka layaabka leh ee lagu soo kordhiyay ayaa xiisaha gaarka ah u yeelay bacadadan jooga dheer ee ku yaalla deegaanka abay dhaxan.

Awrta hiiriga quruxda badan lagu shaqlay iyo qalabka madadaalada oo lagu diyaariyay ayaa ka dhigay mid muuqaal ahaan ula tartami karta lama degaanka bilicda indha-daraandarka ah leh ee Abu Dhabi.

Si kastaba ha ahaatee deegaan dalxiiseedkan oo ay dhallinyaro badani xilliyada fasaxa ama ciidaha u damaashaad tagaan ayaa kamida tusaaleyaasha wax ku oolka ah ee quruxda dhulkeena muujinaya,hirgelintiisuna waxay abuurtay baraarug ballaaran oo dhinaca hal-abuurka ah.