U bood dhigaalka

Howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ee Xeebaha Soomaaliya oo Markab kasoo furtay koox Burcad Badeed looga shakiyay

Sheeko:War

Hawlgalka ATALANTA, oo ah ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, ayaa ku guuleystay in markabka M/V BASILISK ee ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay rag looga shakiyay burcad badeednimo.

Markabka oo ay saarnaayeen 17-shaqaale ah ayaa la weeraray maalintii Khamiista ee 23-kii May, xilli uu marayey badweynta Hindiya, meel qiyaastii 380 mayl-badeed dhinaca bari kaga beegan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa gacanta ku dhigay rag la socday labo doomo oo yaryar, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda ganacsiga badaha Ingiriiska ee UKMTO.

Ciidamada ATALANTA ayaa soo gaaray goobta habeenkii Khamiista, waxaana ay markabka ku fuuleen diyaarad Helicopter ah.

Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa dhaawac soo gaaray intii uu socday howlgalka, balse hadda xaaladdeeda waa ay wanaagsan tahay ka dib markii ay daryeel caafimaad ka heleen kooxda caafimaadka ee ATALANTA. Shaqaalihii haray ayaa bad qaba, waxaana markabka lagu wareejiyay howlgalka ATALANTA.

Kooxda doomaha yar yar wadatay ayaa lagu guuldareystay in la qabto. Waxaana ay goobta uga baxeen iyagoo badqaba.Mana jirin howlgalkaan wax burcad ah oo lagu qabtay.

Weerarkii lagu qaaday BASILISK waa qeyb ka mid ah walaaca dib u soo laabashada burcad badeeda Soomaalida.

EUNAVFOR ayaa ka warbixisay joogitaanka laba ama in ka badan oo kooxaha burcad badeedda ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ka dib afduubyo xiriir ah oo dhawaanahan ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya. Tan iyo bishii Disembar, laba markab oo ganacsi, MV Ruen iyo MV Abdulla, ayaa la afduubay.