U bood dhigaalka

Shirkado ay Kamid Tahay Facebook oo Lagu Soo Eedeeyay Dacwado Dil ah

Sheeko:War

Saddex shirkadood oo Mareykanka laga leeyahay ayaa wajahaya dacwado dil oo ku saabsan ku luglahaanta toogasho sanadkii 2022 ka dhacay dugsi ku yaalla magaalada Uvalde ee gobolka Texas.

Dacwooyinkan ayaa waxaa gudbiyay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, isayoo shirkadaha ku eedaynaya inay qurxiyeen toogashadii Dugsiga Hoose ee Robb, taasoo laba sano guuradii ka soo wareegtay haatan la xusayo.

Shirkadaha Meta, Activision, iyo Daniel Defence ayaa dhamaantood lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen habkii uu toogashada u fuliyay Salvador Ramos oo ahaa ninkii weeararay iskuulka, waxayna dacwadahaasi la xariiraan xayeysiis ay shirkadahaasi ku sameeyeen hubkii uu ninkaasi adeegsaday.
Activision, Meta, iyo shirkado kale kuwa kale ayaa la sheegay inay suuq-geyn u sameeyeen hubka loo yaqaan DDM4 V7 oo ay soo saarto shirkadda Daniel Defence, kaas oo uu watay Ramos markii uu toogashada fulinayay.

14 arday ayaa ku naf waayay weearka uu geystay Ramos, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana suurta-gal ah in shirkadaha lagu xukumo inay magdhow bixiyaan.