U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Culimada Soomaaliyeed

Sheeko:War

Waxaa taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed booqdey qaar kamid ah Culimada Soomaliyeed, Kuwaas oo Bogaadiyey Shaqadii Booliiska Soomaaliyeed ay Ka qabteen dadkii anshax-xumada Ka waday baraha bulshada .

Culimada ayaa taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku amaaney kaalintooda muhiimka ah ee Ku aaddan la dagaallanka faafinta anshax-xumada iyo dadka colaada qabiil Ka abuuraya baraha bulshada

Sidoo Kale Culimada Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Ahmad Firin ku bogaadiyay go’aankiisi ahaa in qofka Xaafidul Quraanka ah ee ka mid Noqonaaya Ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu la mid yahay qof Haysta shahaado dugsi Sare ah.

Taliyaha booliska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Ahmad firin ayaa dhankiisa Culimada ka Codsadey in ay Gacan ka geystaan Wacyi-gelinta bulshada, asagoo Xusay in ka boolis ahaan ay u taaganyihiin in cidkasta oo anshaxa bulshada suurad xumaynaysa ay gacan bir ah ku qaban doonaan.