U bood dhigaalka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta oo Kulan Dooceedyo La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Qeybgashay Shirka Biyaha Adduunka

Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb gashay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay dalka Indonesia.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay wasiiru dowlaha waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Agaasinka Guud ee Biyaha Waddanka Indunsia oo uu uga mahadceliyey martigelinta madasha 10aad ee Biyaha, iyo sida maamuuska leh ee loo soo dhoweeyey wafdigiisa.

Labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay sidii iskaashi xooggan looga yeelan lahaa arrimaha Maareeynta fatahaadda, iyo hannaanka ka faaideysiga Biyaha Roobka, sidoo kale waxaa aad looga dooday sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa deeqaha waxbarasho ee dhinaca takhasusaadka kuliyadaha biyaha quseeya.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa kulan laqaatay Madaxa Hay’adda Qaramada midoobay ee qaabilsan qaanuunka Caalimaga ah ee Biyaha, iyagoo ka wada hadlay sidii Soomaaliya ugu biiri laheyd hay’adda qaanuunka caalamiga ah ee Biyaha iyo sidii weliba dalkeena looga xoojin lahaa diblomaasiyadda iyo Qaanuunka Caalimagaa ee Biyaha.

All reactions:

158Mohamed Ali Alasow Afrah and 157 others