U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ku Eedeysan Dhac

Sheeko:War

Ciidanka boliiska gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray labo eedeysane oo lagu kala magacaabo.

D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen.

Labada eedeysane ayaa ku eedeysan in ay taariikh 21-5-2024 in ay dhac iyo dhaawac u geysteen labo muwaadin oo ganacsi ku leh degmada Garsbaaleey.

Laba muwaadin ee dhibaatada loo geystay ayaa tagay saldhiga Booliiska waxaana islamarkiiba ka jawaabay cabashadooda ciidanka Booliska.

Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka bilaabay howlgallo ay kaga hortagayaan kooxaha Burcada ah iyo kuwa u taagan kicinta bulshada