U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 24 Qof oo ay Ku Jiraan 9 Caruun ah oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Gujarat India

Ugu yaraan 24 qof oo ay ku jiraan caruur badan ayaa ku dhintay dab ka kacay goob madadaalo oo ku taalla gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda, dabka ayaa geystay khasaare xooggan.

dadaallada samata-bixinta ay ka socdaan degmada Rajkot, duqa magaaladaas ayaana wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tirada dhimashada la filayo inay sii kororto, maadaama ay jiraan dad wali aan la helin iyo halis dhaawac.

“Waxa aan diiradda saaraynaa hawl-gallada samatabbixinta iyo badbaadinta nolosha dadka, waxaana xaqiijin doonnaa in tallaabo adag laga qaado dadka mas’uulka ka ah dhacdadan,” ayuu yiri duqa magaalada Nayana Pedhadiya.

In ka badan 300 oo qof ayaa ku sugnaa dhismaha laba dabaq ah oo ku yaal goobta madadaalada ee TRP markii uu dabku kacay maadaama ay ahayd xilli fasax ah, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan kooxda dab-damiska ee degmadu.

Sawirada goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya dab aad u wayn oo ka holcaya aagga ciyaarta TRP iyo daruuro qiiq ah oo ka soo baxaya goobta, wuxuuna guud ahaan dhismuhu ku basbeelay dabka.

Mid ka mid ah saraakiisha booliska ee isbitaalka madaniga ah ee deegaanka ayaa sheegay in meydadka qaar ay sidoo kale gubteen oo aan la aqoonsan karin.

Si kastaba ha ahaatee kooxaha gurmadka degdega ah ayaa weli ku howlanna samata-bixinta dadka ku waxyeeloobay dabkan waxaana la filayaa inuu khasaaruhuu sii kordho.