U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Magaalada Nairobi Si uu Uga Qeybgalo Shirka Bangiga Hormarinta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ajendayaal ay ka mid yahiin wax-soosaarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbadelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo dhowaan laga cafiyay deymihii uu caalamku ku lahaa ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dhaqaaleheeda u kobcin lahayd.