U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Ergayga Qaramada Midobay James Swan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay sii-hayaha ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire James Swam.

Kulankan ayaa looga hadlay dardar-gelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo hormarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swam la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub.

Danjire James swam oo uu dhowaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u magacaabay sii-hayaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxdq dowladda.