U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Mudug oo Xabsiga Dhigay Gabar Muuqaal Aflagaado ah Duubtay

Taliska Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta gobalka Mudug ee Galmudug ayaa magaalada Galakacyo ku xiray Fardowso Cabdi Xuseen oo muuqaal ay baraha bulshada soo dhigtey ku aflagaadeysay madaxda qaranka.

Fardowso ayaa u doodeysay dhalinyaro maalmo ka hor lagu xiray Muqdisho, kuwaas oo ku eedeysan kicin dadweyne iyo aflagaado ay baraha bulshada u mariyeen masuuliyiin, garsoorka dalka, shakhsiyaad kale, qabaa’ilada qaar.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna markasta qeyb ka yahay hormarka bulshada Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda, kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara anshax xumo, sida qabyaalada, kicinta dadweynaha iyo wixii lamid ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa horay u ballan qaaday inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo fal dhaqan xumo ah ku kacda, gaar ahaan dadka baraha bulshada ku faafiya muuqaallada anshax-xumada iyo xaalad abuurka ah.