U bood dhigaalka

Hoggaanka Sare ee Puntland oo Kulan La Qaatay Xisibyada Siyaasadda ee Puntland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024.

kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.