U bood dhigaalka

Shiinaha oo Soo Bandhigay Qalab Casri ah oo Milatari, Kadib Dhoolatuskii Soo Dhamaaday

Dalka Shiinaha ayaa waxaa dhowaan lagu soo gaba-gebeeyey dhoolatus ballaaran oo muddo15-ka maalmood ah ka socday xurunta tababarrada ee gobolka Kampong Chhnang iyo badda gobolka Preah Sihanouk.

Tababarkan oo ay ka qeyb-galeen kumanaan ka tirsan ciidanka qalabka sida, boqolaal gaadiidka gaashaaman ah, tiro maraakiib ah, diyaarado, iyo taangiyo ayaa waxaa lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee ay militariga dalkaasi ay u howl-geli karaan.

Waxyaabaha layaabka leh ee dhoolatuska ku jiray ayaa waxaa kamid ahaa eeyo macmal ama boonbale ah oo sida askarta u dagaalami kara, kuwaas oo meel fog laga hagi karo, laguna rakibi karo qoryaha darandoorriga u dhaca.

Sida laga soo xigtay mareegta vnexpress  eeyahan xirfad sare u leh inay ka qeyb-qaataan howl-galaga gaarka ah, sidoo kalena waxay awood buuxda u leeyihiin inay toogasho ka fuliyaan bartilmaameedyada qorshaysan.

Qalabkan militari ee dunida ka yaabiyay ayaa ka mid ah hubka ugu horumarsan saanadda ciidanka, waxayna eeyahani caqliga badani mari karaan deegaanno aanay gaadiidka taayirrada lihi ka gudbi karin, waxaana hubka ku rakiban u dheer kaamirooyin duubaya goob kasta oo ay ka howl-galayaan.

Si kastaba ha ahaatee Qalabka noocan ihi dunida kuma cusba oo Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ku soo bandhigay 2021-kii shirka sanadle ah oo ku saabsanaa arrimaha ciidamada, sida uu sheegay Jerrin Parikh oo ah Maamulaha guud ee shirkadda Ghost Robotics,taas oo saarta eeyaha macmalka ah, balse qaabka uu Shiinuhu dhoolatuska ugu soo bandhigay ayaa dunida ka yaabisay.