U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kormeeray Dhismaha Wajiga Labaad ee Waddada Muqdisho iyo Jowhar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagey dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo hadda uu ka socdo heerkii labaad ee dib u dhisku.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa ku weheliyay wasiirro, Xildhibaano, safiirro, iyo saraakiil ka tirsan dowladda waxayna ujeedadu ahayd u kuurgalka iyo indha-indhaynta habsami u socadka dhismaha jidkan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay faa’iidada ay waddadani leedahay ayaa tilmaamay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah, Islamarkaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Sidoo kale wuxuu warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, wuxuuna dowladda Qatar uga mahadceliyey maalgelinta mashruucan.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, isla markaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.

Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.