U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyay Weerar Miino oo Lagu Aasay Degmada Buulo Mareer

Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gaar ahaan Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka ayaa fashiliyey Miino ay kooxda Alshabaab ku aaseen waddo aadda dhinaca beeraha Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Miinadan oo ay Alshabaab waddada ku aaseen ayaa waxaa ka saaray Ururka 26-aad Guutada 6-aad qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku sugan Magaalada Buulo Mareer.

Taliyaha Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle ayaa xaqiijiyay in ay ku guulaysteen inay miinadaas wadada ka saaraan.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo la filayo inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee uu madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay.