U bood dhigaalka

Milatariga Mareykanka oo Faahfaahiyay Khasaaraha Ka Dhashay Duqeyn Ka Dhacday Puntland

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 Xubnood oo ka tirsanaa ururka Daacish ka howlgalla meelo ka mid ah Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.


Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid u dhacay si qorsheysan, islamarkaana xubnaha la dilay lagu daba jiray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.


“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada si ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah ee degan goobta ay duqeynta ka dhacday.