U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Masar iyo Jaamacadda Carabta oo Kulan Sagootin u Sameeyay Safiirka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa siyaaba kala duwan kulamo Sagootin ah ugu sameeyay Safiirka JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo ay u dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar daddaalladii diblomaasiyadeed, waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu ku howlanaa intii uu Masar ka howlgalayay iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, iyago xusay sida dowladda iyo shacabka Masar ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Sidoo kalle Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa ku amaanay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar inu xoojiyay xiriirka iyo wadashaqeynta ururka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Kulamada uu la yeeshay waxa uuna tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Masar, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.