U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Qaabilay Madaxa Howl-galka Hey’adda IOM

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howl-galka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, waxayna yeesheen wada-hadal miro dhal leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leedahay xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga soohdimaha.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa IOM uga mahadceliyey taageeradooda, sagoo sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.