U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Koonfur Kuuriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo uu uga qeyb-gali doono shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika, oo 4-taIlaa iyo 5-ta bishan ka furmaya magaalada Seoul.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo warbaahinta uga warramay shir madaxeedka 2024 ee Kuuriyada Koofureed iyo Afrika, ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka qaaradda Afrika iyo dalka Kuuriyada Koonfureed oo in ka badan 50 soo jirey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga wada hadli doono sameynta iskaashiga labada dhinac dhex mara oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, kaabeyaasha, farsamada, iyo Teknolojiyada.

Isbadelka cimilada, cunto yarida, iyo dhibaatooyinka caafimaadka ayaa sidoo kale laga wada xaajoon doonaa inta uu shirku socdo, ayadoo Afrika ay doonayso in laga taageero warshado soo saara kheyraadka dhex ceegaaga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeedin doono khodbad uu kaga hadlayo hormarrada iyo guulaha ay Soomaaliya ka samaysay dib u dhiska dowladnimada, nabad-galyada,iyo kobcinta dhaqaalaha.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee dhex mara qaaradda Afrika iyo dalkan kamid ah kuwa ugu sareeya dunida dhaqaalaha iyo Teknoolojiyadda ku hormartay ayaa la filayaa in heshiisyo kala duwan lagu kala saxiixan doono.

Goobjoog.com