U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbo ay Ku jiraa Bixitaanka ATMIS iyo Kadib, Dhameystirka Ladagaalka Shabaab, iyo Arrimo kale uu Goobjoog X Spaces uga Hadlay Latliyaha Madaxwyen Xasan Sheekh

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in guulo waaweyn laga gaaray in degmooyin ka mid Hirshabelle iyo Galmudug laga xoreeyo Alshabaab, maanta dadkoodu helaan adeeg dowladnimo, isla markaana hadda lagu guda jiro soo gebogabeynta wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah kooxda, sidaasi waa Goobjoog X Spaces ka sheegay Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin.

Qodobka kale ee uu taabay Xuseen Macallin waxaa ka mid ah; qorshaha bixitaanka ciidanka howlgalka midowga Afrika, isagoo xusay in qorshahaas uu si wanaagsan uu socdo, waxaana uu carabka ku adkeeyay iney jiraan ciidamo kale oo badeli doono ATMIS, kuwaas oo ku sugnaan doona goobaha muhiimka ah ee xarumaha dowlo. Ciidanka ayaa goobaha ay sida gaarka ah uga howlgalayaan waxaa kamid ah Dekadaha dalka Garoomada Diyaaradaha, waxaana la joogi doona ciidamo Soomaali ah oo la howlgalaya, waxaana xusid mudan in ay ciidanka ATMIS guud ahaan ay dalka ka baxayaan 31 December ee sanadkaan 2024, oo loogu heshiiyay.

Lataliyaha ayaa dhanka kale soo hadalqaaday in ciidamada ATMIS ee Kenya ay ka baxayaan degmada Ceelwaaq, arrintaan oo maalmihii lasoo dhaafay la isla dhexmarayay, waxaana uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin oo ay tahay marin habaabin bulsho oo warbaahinta qaar ay sikale u dhigeen arrintaasi.

Xuseen Macalin oo wax laga weydiiyay sida laga yeelay ciidanka Macawisleyda ama difaaca shacabka ee ka barbar dagaalmaya ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanka loo kala qaadayo laba qeybood oo kala ah in ciddii rabta lagu darayo ciidanka halka inta kale dib loogu abuurayo noloshoodii ay ku jireen.
lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xuseen Macalin oo dul istaagay in dowladdu ay qaadayso duulaan ka dhan ah Al-shabaab ayaa sheegay in bilaha soo aadan lasoo gabagabeyn doono dagaalka wajigiisa koowaad oo ka dhacay deegaannada Galmudug iyo maamulka Hirshabeelle.

Hadalka kasoo baxay la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xuseen Macalin ayaa kusoo aadaya xilli dowladdu ay qeysheyso in amniga guud ee dalka la wareegto marka la gaaro 2025, sidoo kale ay dowladdu wado qorsha sida dhow Al-shabaab lagaga saarayo guud ahaan dalka.

Arrimaha kale ee uu Goobjoog X Spaces uga hadlay waxaa ka mid ahaa ciidamada Itoobiya iyo arrimo badan, waxaa kale uu dhageysteyaasha uga jawaabay su’aalo badan.

Halka ka dhageyso: https://fb.watch/st50p17h5h/