U bood dhigaalka

Maxaa Sababa in Ciidanka Dowladda ay Dib Uga Soo Baxaan Deegaannada Al-shabaab Laga Saaro?

Intii uu socday wajigii koobaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab waxay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku qabsadeen dhul ballaaran oo ka kooban degmooyin waaweyn, tuulooyin muhiim ah, iyo dhul miyi ah, balse meelaha qaar si degdeg ah ayay ciidanku uga soo bexeen.

Inkastoo ay jiraan goobo badan oo sidii loo qabtay gacanta ugu jira, loona sameeyay maamul oo hadda uu hormar baaxad lihi ka socdo, haddana sababta ay meelaha qaar sida lama filaanka ah ciidanku uga soo noqdeen ayaa dhalisay weydiimo iyo hadal-hayn dadweynaha iyo dowladdaba ka dhex jirta.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo wareysi siiyay TV-ga Goobjoog ayaa umuurtaas si faahfaahin uga hadlay, asagoo sheegay in qorshaha deegaanada lagu qabsanayaahi uu yahay xeelad ciidan oo isugu jirta laba heer.

“Meelaha qaar ciidanka waxay u qabsadaan inay si buuxda ula wareegaan oo ay saldhigyo ka sameystaan, halka goobo kale ay howlgallo xarumaha iyo fariisimada Alshabaab lagu burburinayo ka geystaan” ayuu yiri Afhayeenku.

Wuxuu intaa ku daray in ujeedada howl-gallada qorshaysan loo fulinayaahi ay tahay in la qalqal geliyo hoggaamiyaasha Alshabaab oo meelaha ay ku nastaan loogu galo, islamarkaana ay dareemaan in goob kasta oo ay ku suganyihiin inta loogu daado oo lagu laayo dib looga noqan karo.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyey howl-gallada ka dhanka kooxda Alshabaab, waxaana la filayaa in dhowaan uu bilowdo wajiga labaad ee dagaalka ee uu madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay.