U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbo ay Ku Jiraan Faragelinta Itoobiya, Is-afgaradkii Adis iyo Hargeysa. Difaaca Qarannimada & Arrimo kale oo Goobjoog X Space uga Hadleen Cabdiraxmaan Ceynte iyo Faysal Rooble

Qarannimada waxaa ay ka tarjumeysaa umad wadaagta dhaxal, af, diin iyo dhiig taasi oo isku heyntooda u baahan aragti qaran. Si qaranimada loogu qareemo sida kajawaabista heshiiskii gardarrada ahaa ay Itoobiya ay ka gashay Somaliland, Dowladda Soomaaliya keliya waxba kama jiraan kuma tilmaamin isafgarqdka sida Baarlamaanka oo xeer ku buriyay ee waxaa ay dhisay guddi difaaca Madaxbannaanida Soomaaliya.

Haddaba si wax badan looga ogaado Arrimaha Difaaca Qarannimada, ka jawaabista faragelinnada iyo guud ahaan la socodka xaaladda waxaa ay Goobjoog ku martigelisay X Space mudane Cabdiraxmaan Ceynte iyo mudane Faysal Rooble.

Mr. Cabdiraxmaan Ceynte oo ah isku duwaha guddiga difaaca madaxbannaanida Soomaaliya iyo Faysal Rooble oo ah xubin ka tirsan guddiga difaaca ee Baarlamaanka oo ka qeybgalayay kulanka Goobjoog X Space ayaa si adag uga hadlay halka ay wax marayaan iyo mustaqbalka waxa laga filan karo.

Mudane Ceynte ayaa sheegay in Itoobiya damaceedu uu yahay kala goynta dalka, taas oo ah sharci aan ku oolin Afrika iyo caalamka, waxaana uu tilmaamay in Itoobiya damaceeda ugu weyn uu yahay helitaanka biyo mareen Bad iyo saldhig Milatari, taas ay ka digtoon tahay dowladda Soomaaliya, ayna tahay arrin aan la aqbali Karin.

Cabdiramaan waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan wadahadllo toos ah u dhexmaray labada dowlad, isagoo xusay in ay jireen wadahadallo aan toos aheyn oo u dhaxeeyay dhinacyada oo ay ku jireen dalal kale, kuwaas oo raadinayay xal laga gaaro arrintaan, taasna ay Itoobiya dhankeeda ay ka socon weyday.

Dhankiisa, mudane Faysal Rooble ayaa xaqiijiyey in aaney jirin dowlad Soomaaliya ku riixeysa aqbalaadda is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland, waxaana uu xusay dhammaan dalalkii uu la kulmay ay u sheegeen ineysan arrintaas marnaba aysan garab taagneyn oo ay ilaalinayaan Soomaaliya.

Mr. Faysal Rooble ayaa xusay in Itoobiya markaan ay wajahayso xaalado adag oo gudaheeda ah , taasi oo keentay in dowladdii ay furfuranto, hoosna u dhigtay awoodda dalka, ayna mashquul ku tahay dagaal gudaha ah iyo iney dowlad goboleedyada federalka qeybta ah ay dumiso, taas oo socotay tan iyo 2015-kii.

Halkaan Ka Daawo : https://fb.watch/susSHuM3Hm/