U bood dhigaalka

Dowlada Slovenia oo Noqotay Dowladdii Ugu Horeysay ee Yurub ah oo Aqoonsatay Falastiin

Dowladda Slovenia ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee Yurub oo si rasmi ah u aqoonsada dawladnimada Falastiin, ka dib markii baarlamaanka dalkaasi uu talaadadii cod aqlabiyad ah ku ansixiyay tallabadaasi.

Baarlamaanka Slovenia oo kulan aan caadi ahayn ka yeeshay arrintan si buuxda uga ansixiyay, waxaana u codaysay 52 mudane oo ah oo tiradii ugu badnayd, sida uu sheegay TV-ga qaranka dalkaas ee RTV.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Tanja Fajon oo ansixinta aqoonsiga Falastiin ka dib war qoraal ah soo saartay ayaa tiri ” Maanta waa maalin taariikhi ah! Golaha Qaranka ee Slovenia ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Falastiin, taas oo ka dhigaysa Slovenia waddankii 147aad ee sidaas sameeya”.
Go’aankan ayaa daba socda tillaabadii ay qaadeen Spain, Ireland iyo Norway, kuwaas oo si rasmi ah u aqoonsaday qarannimada Falastiin dabayaaqada bishii May, waxaana sii xoogaysanaya dhaqdhaqaaqa diblumaasiyadeed ee ka socda Yurub, kaas oo ku aaddan aqoonsiga Falastiin.

Dunida inteeda badan ayaa horey u aqoonsanayd dawladnimada Falastiin, ayadoo in ka badan 146 ka mid ah 193 ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay si rasmi ah u aqoonsanyihiin, balse Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo dalalka ugu awoodda badan caalamka ayaan weli tillaabadaa qaadan, waxayna badankoodu taageero hagar la’aan ah u hayaan maamulka Israa’iil.