U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeybgalay Shir Madaxeedka 23-aad ee Dalalka Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedka 23-aad ee aan Caadiga Ahayn ee madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC.

Shirka kaas oo lagu qabtay aaladda fogaan aragga ayaanay madaxtooyada Soomaaliya faahfaahin ka bixin waxyaabihii looga hadlay oo ay madaxdu isla soo qaadeen.

Soomaaliya ayaa dhowaan ku biirtay ururkan oo ay ku mideysanyihiin qaar kamida dalalka bariga Afrika, islamarkaana loogu talo-galay iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshada dalakaas ku nool.