U bood dhigaalka

Akhriso: Waxa ay Ka Dhigan Tahay Guusha Soomaaliya ee Kursiga Golaha Ammaanka. Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Fiqi oo Goobjoog Uga Waramay

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay mataleyso wadamada Afrika, waa markii 2-aad 50 sano kadib.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamida ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qeybgalayay kulanka doodadda kulanka X Space ee Goobjoog TV ayaa ka hadlay muhiimadda tilaabadan taariikhiga ah iyo kursigaan u leeyahay Soomaaliya oo sii heyn doonoto 2025-2026 oo muddo 2 sano ah.

Wasiirka ayaa tilmamay in ay tahay guul la gaaray oo muddo sanado ah ay lasoo waday dadaalkeeda oo ugu dambeyn lagu guuleystay, waxaana uu u mahadceliyay dowladihii codadkooda siiyay Soomaaliya si ay u noqoto xubinnimada kursiga, kuwaas uu ku tilmaamay kuwa dowladda ka shaqeysay xornimadooda.

Wasiirka ayaa intii doodad socotay isdultaagay xiisadda ka dhalatay arrimaha badda, waxuuna arrintaas edeeda dusha uga tuuray maamulka Somaliland madaxdooda oo uu sheegay iney ka quusteen in dunida ay ka gadaan kala go’ynta dalka, kadibna isku dhiibay dal cadaawad kala dhaxeyso oo waliba la daris ah isaga oo intaa raaciyay in Itoobiya damaceeda uu jiray 600 oo sano

Wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Somaliland ay si damacooda u badbaadiyaan ay heshiiskaas u galeen, Somaliland ayaa diidmo cad dunida kala kulantay 2023 oo loo sheegay in muhiim ay tahay in federalka ay kusoo biiraan, markaas oo wadahada bilowday.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa dhinaca kale xusay in dadka ku nool gobolka Awdal uu hadda culeyska saran yahay oo lasoo hunguriyeeyay uu waajib saran yahay, lagana rabo in ay u midoobaan sidii ay u diidi lahaayeen damacaas, waxaana uu carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

Halkaan ka daawo https://fb.watch/sA916jxN0e/