U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab oo Ku Dagaallamay Degmada Ceeldheer ee Bariga Galgaduud

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidamada deegaanka ayaa ka hortagay weerar Al Shabaab ay Saaka ay kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo horay looga xoreeyay.

Weerarka ayaa ka dhacay Fariisimo ciidanka ay ku lahaayeen duleedka magaalada, iyadoo weerarka uu ahaa mid ku bilowday qaraxyo sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.


Saraakiisha ku sugan degmada Ceeldheer ayaa sheegay in kooxda ay magaalada kasoo weerartay dhowr jiho balse ciidanka oo sii hayay xogtooda ay ka hortageen.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa ka dhashay dagaalka ka dhacay Ceeldheer.
Ciidanka xoogga dalka ayaa wali ku sugan goobihii lagu dagaallamay halka wali banaanka magaalada laga maqlaayo rasaas ay is weydaarsnayaan dhinacyada kala duwan.