U bood dhigaalka

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo Qalqalgaliyay Amniga Badda Cas, Xilli ay Kordheen Weeraradooda

Xaalada Badda Cas ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Kooxda la socodka maraakiibta ee Midowga Yurub ayaa ka digaysa ugu yaraan saddex kooxood oo budhcad-badeed ah oo ku hawlan laba isku day weerar, halka Xuutiyiintu ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqooda ku aadan badda Cas.


Isku daygii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay markab ganacsi oo marayay meel u dhow Soomaaliya ka dib markii ay isku dayeen in ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.


Ciidanka ilaalada Midowga Yurub ee xeebaha ayaa sheegay in ay ka gaareen kooxdaasi inta aysan gacanta ku dhigan. Ciidanka ayaa sagaal xabadood ku riday doonta markii ay usoo dhawaaday markabka.


Markabka laga badbaadiyay kooxaha burcadbadeeda ayaa waxaa ka dul babanaayay calanka Jasiiradda Marshall .


Toddobaad ka hor, markab nooca saliida ceyriin ah oo ka babanayay calanka Jasiiradda Cook Island,balse qeylo dhaan uu diray uu ka badbaaday markii ciidanka xeebaha Midowga yurub ay soo gaareen.


Howlgalka Atalanta ayaa sheegay in lix ilaa todobo doonyood aan la garanayn meel ay ku sugan yihiin ay ku jiraan gudaha badda iyadoo laga cabsi qabo in kooxaha burcadbadeeda ah ay afduubtaan.


Dhowr saacadood ka hor, Ururada Ganacsiga Badaha UK waxay sidoo kale heleen warbixin ku saabsan laba qarax oo ka dhacay meel u dhow markab 27 nautical miles koonfurta Al Mukha, Yemen oo u dhow Bab el-Mandeb. Markabka oo aan la magacaabin ayaa la sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.