U bood dhigaalka

Muxuu Kala HadlayMadaxweyne Xasan Sheekh Jaaliyadda Soomalaiyeed ee Norway?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa qayb-galay Munaasabad ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas iyo kuwa kale ee Scandinavian-ka.

Madaxweynaha oo dadkii Munaasabad ka soo qeyb-galay khudbad dheer u jeediyay ayaa la wadaagay guulaha laga gaaray xasilinta dalka, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena ay dhammaystirka dastuurka iyo xoojinta dowladnimada diiradda saarayso, wuxuuna intaa ku daray in la joogo xilligii Soomaaliya laga dhaqi lahaa magac xumada colaadaha, kooxaha xagjirka ah, iyo burcad badeedka ay ka dhaxashay, islamarkaana dowladnimada dalku ay maqaam wanaagsan u gaari lahayd.

Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ah ku jooga dalkaasi Norway ayaa kulamo muhiim ah la leh madaxda dalkaas, iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka laysku yiraahdo Scandinavian-ka.