U bood dhigaalka

Maxay Yihiin Qodobada ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya labada masuul waxa ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale kaga mahadcelisay dowladda Qatar taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ku doonayay in uu kusoo celiyo xiriirka dowladda Soomaaliya ay la leedahay dowladdaha caalamka.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageera siiya dowladda Soomaaliya iyadoo bixisay dhismaha wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Balcad.