U bood dhigaalka

Wasiir Roobow oo Ka Warbixiyay Halka uu Marayo Adeegyada Loo Qabanyo Xujeyda

Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kulan xogsiiin iyo Casho sharaf ah u sameeyey qaar ka mid ah Masuuliyiinta dowlada Federaalka oo sanadkan ka qeyb galay Xajka, magaalada Makkah ee Dalka Sacuudiga.

Kulankan ayay ka Soo Qeyb galeen, Xildhibano, wasiiro, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Gobolka Banadir.

Kulankan oo si I weyn loo Soo agaasimey ayaa markii la casheeyey kadib xog iyo warbixin laga siiyay Masuuliyiinta sida ay u socdaan howlaha adeega Xajka ee sanadkan iyo marxaladihii ay Soo mareen.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay dhamaantood ayaa si weyn u amaaney howlaha adeegga Xajka Sanadkan ee ay wado Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ku baaqey in dadaalka la Sii badiyo.

Waa markii ugu horeysey oo kulan noocan oo kale ah madax ka socota Dowlada Federaalka loogu qabto magaalada Barakeysan ee Makkah, Dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Warbaahinta Arrimaha Xajka
Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya
Makkah, Sacuudi Carabiya