U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wadahadlay Dhameystirka Shuruucda Nabad-gelyada Waddooyinka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim Ali Hassan ayaa kullan miro dhal ah la qaadtay Mudane Jean Todt, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

Kulanka oo ahaa mid fogaan arag ah (Zoom Meeting) ayeey uga wada hadaleen iskashi iyo wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada XFS Iyo Hay’ahada UN-ka ee ka shaqeeya horumarinta Gaadiidka iyadoo la isla qaatay taabba-gelinta qorshaha yareynta shilalka wadooyinka, iyo dhameystirka shuruucda Nabad-gelyada wadooyinka si loo xaqiijiyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fardowsa Osman Egal ayaa uga mahadcelisay Ergeyga Gaarka, iyadoo hoosta ka xariiqday iskaadhiga dhaw ee ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe