U bood dhigaalka

Faahfaahin:Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lagu Dilay Saraakiil Xoogga Dalka ah iyo Dowladda oo Ka Hadashay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo lala eegtay Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka waday deegaanka Goofgaduud ee duleedka Baydhabo, Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa Saraakiishan.

1- Taliye Mad Dheere Taliyihii Guutada 8aad, 2- Taliye Afcadeey,
3- Taliye Ciise Kusow oo la sheegay inuu dhaawac culus qabo.
4- Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalan Xaaji.

ku dhawaad 10 Askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay Qaraxa miino.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyaha Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Iyo saraakiisha kale.

Guddoomiyaha ayaa Gaashaanle Maad Dheere iyo sariikiishii kale ee qaraxaasi ku Shahiidey Alle uga baryay Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan qoysaska Iyo ehelada ay kabaxeena uu samir Iyo iimaan ka siiyo, sidoo kale intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askartii kale ee la socotay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXD iyo saraakiil kale oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.