U bood dhigaalka

Sidee Soomaaliya Ugu Faa’iideysan Kartaa Kursiga Xubinnimada Golaha Ammaanka?

Soomaaliya ayaa dhowaan loo doortay mid kamida xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayadoo ka qeyb ka noqan doonta 3 dal oo labada sanoo soo socata golahaas ku matali doona qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku biiris golahan ku Dadaalaysay 5-tii sanoo la soo dhaafay, ayadoo musharax kursigaas gudbisay sanadkii 2018-kii, ugu dambey’se way ku guuleysatay.

kamida noqashada golaha ammaanka ayaa ah guulihii ugu waaweyn ee ay Soomaaliya gaartay tan iyo sanadkii 1991-kii, waxayna dadweynuhu naawilayaan in magac xumada, nabad-galyo darrada, iyo faragelinta shisheeyeba hadda ka dib xal loo heli doono, maadaama ay fadhiso miiska siyaasadda iyo amniga dunida laga hago.

Haddaba sidee bay Soomaaliya uga faa’iidaysan kartaa xubinnimada golahan kamid ah hay’adaha ugu awoodda badan ururka Qaramada Midoobay, sidoo kalena go’aamada ugu dambeeya ka gaara xaaladaha dunida, gaar ahaan kuwa nabad-galyada iyo siyaasadda la xariira?.

Si weydiintaas iyo qaar kaloo ku lammaanba warcelin loogu helo, warbaahinta goobjoog waxay qabatay dood ay ka qeyb-galeen aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal, kuwaas oo aragtiyo aqoon iyo waaya-aragnimo ku dhisan soo bandhigay.

Professor xuseen Iimaan oo ah xildhibaan hore iyo bare sare oo wax ka dhiga qaar kamida jaamacadaha dalka ayaa sheegay in in helidda kursigaasi ay qeymaha Soomaaliya kor u qaadayso haddii si dhab ah looga Faa’iidaysato oo ay dowladdu danjirayaal tayo leh ku darsato galaha.

Dowladda waxaa la gudboon inay la timaaddo siyaasad arrimo dibedeed iyo qorshe qaran oo la xariira xubinnimada golaha ammaanka, sida uu qabo baafo.

Professor Cabdullaahi Salaamulaahi ayaa sheegay in Xubinnimada golaha ammaanku ay kaalin wax ku ool ah ka qaadanayso difaaca ah iyo qaranimada dalka, xilli uu jiro damaca Itoobiya ee ku wajahan badda Soomaaliya.

Xeeldheereyaasha ayaa soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay mowqif sugan iyo qorshe qaran ka yeelato xubinnimada golahan, islamarkaana ay diblumaasiyiin xil Kas ah geysato.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay golahan ka mid noqatay sanadkii 1971-dii xilligaas oo ay kamid ahayd dalalka ugu awoodda iyo xasilloonida badan Afrika, balse jeerkan oo ay colaado sokeeye ka soo baxday daruufo nabad-galyo iyo kuwo siyaasadeedna ay haystaan ayaa la eegayaa sida ay xubinnimadeeda uga faa’iidaysato.