U bood dhigaalka

Waa Maxay Tallaabada Sida Weyn Loogu Baahnaa oo Taliska Booliiska uu Saameeyay?

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay qaar kamida ciidan oo xafiday Kitaabka Alle ee Qur’aanka Kariimka ah, taasoo ah dhiirigelin la xariirta tillaabada wanaagsan ee ay qaadeen.

Arrintan ayaa sidoo kale ah abaal-marin shaqo wanaag xagga waajibaadka ah oo ay ciidanka la dallacsiin sameeyeen, ayadoo shahaadooyin la guddoonsiisay, lana dalacsiiyay darajooyinkooda ciidannimo.

Taliyaha hoggaanka Kormeerka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ahna Ku simaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) ayaa dhiirigalin ugu Tagay Ciidankan Dhawaan uu dallacsiiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed dhowaan sheegay in askariga Qur’aanka Kariimka xafidsani uu lamid yahay mid shahaado dugsi sare haysta.