U bood dhigaalka

Maxay Ka Dhigan Tahay Tagitaanka Axmed Madoobe Deegaanka Buulo Xaaji oo Shabaab Laga Saaray?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho ku tagay deeegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab, xillli uu halkaas kula hadlay boqolaal shacabka deegaanka ah, isagoo Tuutihiisa xiran dhiilana muujinayey.

Madaxweynaha ayaa goobtaas ka sheegay in deegaanka Buulo Xaaji aan dib looga noqon doonin lagu sugnanayo, in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo deegaannadaan muddo aan ka jirinba.

Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in deegaanka laga dhisayo maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxda Al-shabaab, waxaana uu reer Buulo Xaaji ku booriyay in ay ciidanka soo dhoweyn iyo wadashaqeyn ay la yeeshaan si ammaanka loo wada ilaaliyo.

“Culeys iyo dhib wixii aad soo aragteen la isweydiin maayo, laakiin waxaan rabnaa dowladnimo nabad wixii dad ku noolaan jiray in la idin kala shaqeeyo, magaaladuna ay noqoto magaalo gacan dowladeed soo gasha aysan noqon Shabaab Duur ku jir ay heysato” ayuu yiri xilli uu la hadlayay.

Deegaannada Juubaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo u jeedkoodu uu yahay sidii oo looga saari lahaa inta badan deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland, gaar ahaan magaalada caasimadda ee Bu’aale.

Tagitaanka madaxweynaha Jubbaland ee deegaanka Buulo Xaaji ayaa ka dhigan in Jubbaland u diyaar garowday sidii loo qaadi lahaa guluf dagaal inta aan la gaarin xilli Roobaadka Deyrta oo laga cabsan inuu go’doon uu imaan karo maadama Wabiga Jubba uu sameyn karo fatahaado hakin kara dagaalka.