U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Bilaabaya Dib U Habeynta Hannaanka Shaqo ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay inuu dib u habeyn ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, islamarkaana wax badan laga badeli doono.

Wasiir fiqi ayaa faray dhammaan danjireyaasha muddo howleedkooda safaaraduhu idlaadeen in xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay, laguna kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Danjireyaal isugu jira safiirro, qunsulllo, iyo ergooyin joogto ah, kuwaas oo muddo howleedkoodii safaaraduhu ay soo dhammaadeen oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay ku dhawaad 10 sanadood Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalalka caalamka qaarkood u fadhiyeen.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradaha, loogana baahanyahay inay hore u socod sameeyaan, isagoo caddeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay xeeldheereyaasha iyo aqoonyahannadu dowladda ugu baaqeen inay danjireyaal tayo leh u dirsato golahaas iyo guud ahaan dunida si ay uga Faa’iidaysato xubinnimadeeda, islamarkaana ay u xoojiso saameynteeda diblumaasiyadeed.